https://moe.gov.so/en/


 Wax-ka-Beddelka Xeerka Imtixaanaadka Xeerka Imtixaanaadka waxaa wax looga baddeli karaa haddii: i. ay soo baxdo baahi muuqata, qodobbada xeerkuna aysan daboolin, ii. sixidda qodobbo ku jira xeerka oo khubaro ku habboon u aragto in aysan sida ugu wanaagsan ugu adeegeyn bulshada, iii. saaridda qodobbo loo arki karo in ay ku habboon yihiin meelo kale, ama la is-weydaariyo; iv. uu isbaddal ku yimaado saabka maamulka imtixaanaadka. iii XEERKA IMTIXAANAADKA 2021 BOGGA 7 EE 38 Cutubka 1: Ammaanada iyo Amniga Imtixaanka 1.1. Ammaanada Imtixaanaadka Ammaanadu waxa ay laf dhabar u tahay kalsoonida lagu qabo imtixaanaadka. Sidaasi awgeed, xeerka Ammaanada Imtixaanaadku waxa uu waajibinayaa dhaqangalinta qodobbada soo socda: 1.1.1. Dhammaan hawlwadeennada imtixaanaadka waa in lagu soo xulaa, ka sokow shuruudo kale, ammaano, karti iyo hufnaan; 1.1.2. Cid waliba oo ku lug yeelanaysa qayb ka mid ah qaybaha kala geddisan ee imtixaanaadka waa in la siiyaa tababbar sanadle ah oo la xiriira muhiimadda ammaanada, iyo waxyaabaha kaabaya ee sugaya amniga imtixaanaadka; 1.1.3. Cid waliba oo ka shaqaynaysa imtixaanaadka waa in ay aqbashaa isla markaasna lahaanshiyo u yeelataa PDEDDGLL¶GD LPWL[DDQDDGND, NDGLEQD D\ saxiixaan galxogeedka ballanqaadka ilaaalinta ammaanada imtixaanaadka. 1.2. Amniga imtixaanaadka Aminga imtixaanku waa qayb ka mid ah amniga qaranka; ku xad gudubkiisuna waxa uu noqon NDUDD µKKD\DDQR QDUDQ¶. SLGDDV RR NDOH, Vugnaanta amniga imtixaanaadku waxa ay abuurtaa kolsoonida ardayda galeysa imtixaanaadka, bahwadaagta waxbarashada iyo dadweynaha si guud. Sidaasi awgeed, Xeerkani waxa uu waajibinayaa dhaqan gelinta qodobbada soo socda: 1.2.1. Dhammaan hawlwadeennada ka shaqaynaya imtixaanaadka waa in lagu soo xulaa, ka sokow shuruudo kale, feejignaan, karti iyo hufnaan; 1.2.2. Waa in la siiyaa tababbar la xiriira amniga imtixaanaadka iyo waxyaabaha kaabaya sanad waliba marka la dejinayo qorshaha imtixaanaadka; 1.2.3. Qof waliba oo ka shaqeynaya imtixaanaadka waa in macluumaadka laga hayo uu ahaado mid xafidan, oo aan loo faafin si sharci darro ah; 1.2.4. Xafiiska Maamulka Imtixaanaadku waa in uu ilaaliyaa: 1.2.4.1. NH\GND VX¶DDODKD; 1.2.4.2. [DUXQWD GHMLQWD VX¶DDODKD; XEERKA IMTIXAANAADKA 2021 BOGGA 8 EE 38 1.2.4.3. dejinta, GKH[DDGLQWD, TRULGGD, L\R WLIDIWLULGGD VX¶DDODKD; 1.2.4.4. keydinta VX¶DDODKD Imtixaanaadka; 1.2.4.5. daabicidda imtixaanaadka; 1.2.4.6. qaadista imtixaanaadka; 1.2.4.7. sixidda imtixaanaadka; 1.2.4.8. dhibcaha iyo natiijooyinka, iyo 1.2.4.9. Shahaadada. 1.2.5. Dayac ama fal-dambiyeed amni kana dhaca ciidanka ilaalinaya amniga imtixaanaadka ama qayb ka mid ah waxa ka dhalanaya ciqaab sida ku xusan Cutub